Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wabiga Shabelle oo ku fatahay degmada Afgooye iyo degaano hoos taga (Sawirro)

Wabiga shabelle ayaa ku fatahay tuulooyin hoostaga degmada Afhooye ee gobolka shabeelaha hoose waxaana ka dhashay qasaare isugu jira burbur guryo,beero iyo barakac dadkii ku noolaa 6 tuulo.

Fatahada wabiga ayaa sidoo kale soo gaaray qaybo kamid ah gudaha degmada Afhooye sida ay sheegeen maamulka degmada.

Fatahaada uu sameeyay ayaa ka dambaysa markii biyo aad u xoog badan ka yimaadeen dhinaca Itoobiya oo ku xiran wabiga shabelle.

Fatahaada waxay samaysay ilaa 2000 kun oo qoys, waxaana guryahooda galay biyaha webiga, iyadoo Maamulka degmada uu ka dalbaday dowlada fedraalka iyo hay’adaha gargaarka in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka dhibaatada ka soo gaartay fatahaada wabiga Shabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Generaal Cabdalla Cabdalla oo laga saaray Xubinimadii Hay’adda NISA

Cabdi Cade

Biyo Mareen loo sameeyay Wado kutaala Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Lix Dambi oo loo heesto duuliye Fu’aad Yusuf Cali oo lasoo bandhigay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---