Madaxa Jaamacadda Tel Aviv, Ariel Porat, ayaa ka digay in magacaabista Janaraal David Zini inuu noqdo madaxa hay’adda amniga gudaha ee Shabak ay keeni karto dagaal sokeeye
Sida uu qoray bogga wararka ee Walla News, Porat ayaa u diray farriin kulul Janaraal Zini, isagoo ku booriyey inuusan aqbalin xilka madaxa Shabak.
“Ha aqbalin jagadan si looga hortago dagaal sokeeye iyo dhiig daata” ayuu yiri Ariel Porat
Madaxa Jaamacadda Tel Aviv wuxuu sidoo kale ku qoray warqadda in hoggaamiyayaal badan oo ka tirsan dhaqaalaha dalka ay ka digeen burbur dhaqaale haddii la gaaro xaalad lagu caasiyo go’aanada Maxkamadda Sare.
Wuxuu intaas ku daray uu ku yiri: “Go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah in laguu magacaabo madaxa cusub ee Shabak waxa uu ka hor imanayaa taladii ay bixisay lataliyaha sharciga ee dowladda, Gali Baharav-Miara”
Haddii Netanyahu uu ku adkaysto magacaabista sarkaalkan Maxay tahay khatarta ka iman karta?
Awoodaha dowladda ayaa isku dhacaya garsoorka, iyo madaxtooyada ayaa si isdiidan u shaqeynaya. Awoodda Shabak ayaa laga yaabaa in la siyaasadeeyo.
Burburka kalsoonida dadweynaha ,haddii shacabka Israa’iil ay u arkaan in Maxkamadda Sare aan la ixtiraamayn, waxaa bilaaban kara kacdoonno shacab