Faahfaahin: Nin askari ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho oo la toogtay

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho nin hubeysan ayaa maanta degaankaasi ku dilay  askari ka tirsan ciidamada DF.

Ninka hubeysnaa ee dilka geystay ayaa waxaa isna isla goobta ku toogtay askari kale oo la socday midka la dilay sida aan wararka u heleyno.

Israsaaseyn kooban ayaa dhexmartay muddo daqiiqado ah ninka hubeysan iyo askariga labaad taasoo sababtay in ugu dambeyn goobta lagu toogta ninkii weerarka soo qaaday.

Dhaawac aan sidaa u buurneyn ayaa la sheegay in askariga kale uu soo gaaray, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hadda xaaladda degaanku tahay mid degan iyadoo ay goobta gaareen ciidamo Booliis ah kuwaasoo halkaasi ka bilaabay hawl gallo amni xaqiijin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -