Gabar iyada oo Nool la aasay oo qabri laga soo saaray iyo Waalidkeeda oo la raadinayo

Deegaan kuyaala Waqooyiga dalka Hindiya ayaa lagu arkay arrin dad badan ka yaabisay, kadib markii qabri la qodayay laga soo saaray gabar yar oo dhallaan ah oo iyada oo nool la aasay.

Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo doonayay in uu aaso gabar yar uu dhalay oo geeriyootay ayaa si lama filaan ah god uu qodayay uga helay gabar yar oo godka lagu aasay iyada oo nool.

Sarkaal booliska ka tirsan oo lagu magacaabo Abhinandan Singh ayaa sheegay in gabadha yar laga helay qabri hoos u qodan qiyaastii 3ft (90cm), waxa uuna xusay sargaalka in gabadhan loola cararay isbitaal oo hada lagu daweenayo.

Ciidamada booliiska Hindiya ayaa hada bilaabay baaritaano ay ku raadinayaan waalidiintii dhalay gabadha yar ee la aasay iyada oo nool, waxa ayna booliiska tuhmayaan in gabadhaasi si ku talagal ah loo aasay iyada oo nool.

“Waxaan isku dayeynaa inaan helno waalidiinta dhalay gabadha qabriga laga soo saaray, waxaana ka shakisannahay inay ka war qabaan sida ay wax u dhaceen, raallina ay ka ahaayen”, ayuu yiri Mr Singh

Dalka Hindiya ayaan laga jecleen dhalashada gabdhaha gaar ahaan qoysaska saboolka ah, waxaana waalidiinta qaar lagu eedeeyaa in si kutalagal ah u dilaan gabdhaha iyaga oo ka cabsi qaba mustaqbalkooda dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -