Madaxweyne Trump oo ku dhaqaaqay ficil uu muddo badan ka soo horjeeday (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah ku xirtay Mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka ee COVID-19.

Trump ayaa booqanayay isbitaalka milateriga ee Walter Reed ee ku yaalla daafaha magaalada Washington, halkaasoo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo howlwadeenada caafimaadka.

Isbadelka hadalka Trump ayaa imanaya xilli Sabtidii uu Mareykanka diiwaangeliyay 66,528 xaaladadood oo COVID-10 ah, taas oo ah middii ugu badneyd ee maalin qura la diiwaangeliyay.

“Markii horaba kama soo horjeedin mask-yada balse waxaan rumaysanahay in ay leeyihiin waqti iyo goob lagu xirto,”ayuu yiri Trump oo horey u sheegay u sheegay inuusan xiran doonin Mask taasoo si weyn loogu dhaleeceeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -