Daawo Sawirada “Kulamadii R/W Khayre la qaatay Madax ka tirsan Maraykanka & Hey’addo caalami ah oo soo dhamaaday (Warbixin)

Raisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Somalia Mudane Xasan Cali Khayre oo Magaalada Washington kaga qeyb galay shir caalami ah oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga adduunka ayaa halkaas kulamo kala duwan kula qaatay Madax dowladeed iyo Wakiilada heyaddo caalami ah.

Masuuliyiinta uu Mudane Xasan Cali Khayre Magaalada Washington kula kulmay waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Sullivan.

Kulankan waxay labada masuul diirada ku saareen horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta doorka Mareykanka ee caawinaadda Soomaaliya, Dowlad wanaagga, la dagaallanka argagixisada iyo qodobo kale oo khuseeya xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Washington la kulmay Madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, Hay’adda Lacagta (IMF) iyo Bankiga Aduunka.

Waxaa ka mid ahaa madaxdaas Xoghayaha hanti-dhowrka ee dalka Maraykanka Mudane David Malpass iyo kooxdiisa waxayna ka wada hadleen horumarka laga gaaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay.

David Malpass ayaa ugu hambalyeeyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Khayre talaabooyinka hagaajinta Maamulka dhaqaalaha ee xukuumaddu qaaday sanadkii ay jirtay wuxuuna balan-qaaday in dowladiisu ka taageereyso Somalia arrimaha Maaliyada iyo sidii dowladu u gaari laheyd isku filnaansho.

Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kale kula qaatay Magaalada Washignon Agaasime ku-xigeenka Maamulka ee hey’adda lacagta aduunka IMF oo magaciisa la yiraahdo Tao Zhang, waxaana kulankan looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin dardar gelinka hanaanka Maamulka dhaqaalaha Somalia iyo sidii mashaariic cusub looga hirgelin lahaa dalka kuwaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Mudane Kheyre ayaa uga warbixiyay Tao Zhang horumarada dowlada Soomaaliya gaartay sanadkii ugu dambeeyay, waxayna labada dhinac sidoo kale  isla faaqideen sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, maadaama ay biixisay shuruudihii arintaas la xiriiray.

Gudoomiya Ku-xigeenka Bankiga Adduunka Makhtar Diop ayaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiinta uu raisul wasaare Khayre ku kulmay, waxayna ka wada hadleen qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa.

Kulamadan Muhiimka ah ee uu madaxda Bankiga Aduuunka iyo IMF la qaatay Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaay muujinayaan sida Xukuumaddu uga go’an tahay in Soomaaliya ay noqoto dal ka madax banaan deymaha faraha badan ee lagu leeyahay si ay u hesho mashaariic iyo maalgeshi heer caalami ah.

Ra’isul Wasaare Khayre ayaa Magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaga qeyb galay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada ka jirta meelo ka tirsan caalamka.

Khayre ayaa shirkaasi caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyada, waxaana guud ahaan safarka raisul wasaaruhu ku soo dhamaaday guul.

Waxaa diyaariyay: Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mugadisho-Soomaaliya 
Mamaan82@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -