Dumarka dal kuyaala Latin Amerika oo lacag lagu siinayo in ay guursadaan rag Shiineys ah

Warbaahinta caalamka ayaa baahiyay warbixin ku aadan in Dumarka dalka Costa Rica ee kuyaala Latin Amerika lacag yar lagu siiyo in ay guursadaan rag u dhashay dalka Shiinaha oo sharci doon ah.

Kumanaan Dumar ah oo u dhashay dalka Costa Rica ayaa si aan sharci aheyn loogu guuriyo rag Shiineys ah oo lacag looga qaatay, waxaana inta badan arintan ka shaqeeya dad Muqalasiin ah.

Raga Shiineyska ayaa guurka Haweenkan u dhashay dalka Costa Rica u doonaya in ay ku helaan dhalashada dalkaasi, waana mida keentay in dad Muqalisiin ah arintan ka shaqeeyaa lacagna ka sameeyaan.

Haweeney 46-sano jir ah ayaa kamid ah Dumarka qaabkan u guursadeen raga Shiinaha u dhashay, waxaana Haweeneyda guurka nin Shiineys ah ku qaadatay lacag dhan  $175 doolar oo ay sheegtay in ay xiligaasi aad ugu baahneyd.

Xeer illaaliyaha guud ee dalka Costa Rica ayaa sheegay in uu  gacanta ku hayo baaritaanka illaa 1000 dacwadood oo noocan ah, waxa uuna  sheegay in dhibaatada intaas kasii balaarantahay.

Dalka Costa Rica ayaa sanadkii  2010-kii la meelmariyay sharciyo adag oo dhanka dadka soogalootiga ah, waxaana sifada kaliya ee degenaansho lagu heli karo dalkaas ay tahay in la guursado haweenay u dhalatay dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -