Duqa Magaalada Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Deeq Max’ed (Daawo Sawirro)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa caasimadda Puntland ee Garowe Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo isku xirka magaallooyinka.

Mudane Yarisow ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, waxuuna hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xaruntii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dhaxeeyo Maamullada iyo degmooyinka dalka.

Sidoo kale, waxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay Duqa Garowe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta.

Duqa Caasimadda Maamul Gobolleedka Puntland Mudane Axmed Deeq Maxamed wuxuu uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada Muhiimka ah ee loo hayo shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -