Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne hore oo ka hadlay Dagaalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalka u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa kooxda Ahlu Sunna ee ka socda Dhuusomareeb iyo Guriceel.

Muddane Cabdikarim Xuseen Guuled ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalka kasoo cusboonaaday Dhuusomareeb iyo Galmudug, waxa uuna ugu baaqay Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna in xaalada dejiyaan ayna wada hadlaan.

”Waxaan muujinayaa sida aan oga xumahay dagaalka manta ka qarxay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada madaxda maamulka Galmudug iyo masuuliinta Ahlu Sunna inay colaadda joojiyaan, waxii dhib ah ee jirana lagu xaliyo wadahal iyo wada xaajood.” ayuu yiri Mr Guuleed.

Baaqan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa kusoo aadaya xili dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna uu ka qarxay Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eng. Yariisow: Guddoomiyihii ugu safarada badnaa ee soo mara Gobolka Banaadir..!!

Caydiid Ali

Doorashada Gudoomiye ku-xigeenada Golaha shacabka BFS oo dib loo dhigay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dibed baxyada ka dhanka ah Israel ee caawa ka dhacay dunida Islaamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---