Ukraine oo walaac ka muujisay qorshe halis ah oo Ruushku ka damacsan yahay dagaalka

Ruushka ayaa isku diyaarinaya dagaal daba dheeraada oo uu la galo ciidamada Ukraine, isagoo weli doonayaa inuu qabsado dalka oo dhan, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ukraine.

Sarreeye Guuto Oleksiy Gromov ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlayay militariga inkastoo uusan fileynin in Moscow ay weerar ka soo qaadi doonto Belarus, haddana waxaa uu xusay in Ruushku uu ciidamo cusub ku tababarayo dhulka deriska la ah.

“Kremlin-ka waxay doonaysaa inay colaadda u beddesho iska horimaad hubeysan oo daba dheeraada,” ayuu yiri Gromov.

Waxaa uu intaas ku daray: “Innaga iyo dunidu waa inaynaan is dejin, sababtoo ah hadafka ugu dambeeya ee Ruushka ayaa ah inuu qabsado dhammaan Ukraine, ka dibna wuu sii socon karaa.”

Gromov ma uusan sheegin waxa laga yaabo in Ruushka uu ku kordhiyo dagaalka 10-ka bilood ku dhow.

Saraakiisha Ukraine ayaa Kremlin-ka ku sifeeyay mid quus ka taagan dib u dhacyada militari ee dhawaan soo wajahay – oo ay ka mid ahaayeen dib u gurasho ay ka sameeyeen magaalada koonfureed ee Kherson ka dib bilo ay qabsadeen – iyo guulo la xaqiijiyay si dagaalka loogu cadeeyo shacabka Ruushka.

General Valery Zaluzhny, oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine, ayaa u sheegay majaladda Economist in ciidamada Ruushku ay sameynayaan wax walba oo ay kaga hortagayaan in Kyiv ay dib u weeraraan.

“Tani waa sababta aad u arkayso dagaallo ka socda jiidda hore waxay ku adkeynayaan ciidamadeenna si aysan inoo ogolayn in aan dib isu abaabulno,” ayay majaladda soo xigatay isaga oo wareysi siiyay Khamiistii.

“Dhibaatada soo socota ee na haysata waa, marka hore, in aan xajinno oo aan lumin dhul dambe, waa muhiim…Ciidankeenna hadda waxay ku xiran yihiin dagaallo, dhiig-baxa.”

Zaluzhny wuxuu sheegay in Moscow ay isu diyaarinaysay weerar cusub horraanta sanadka soo socda, oo ay suurtogal tahay in ay hiigsanayso Kyiv.

Kremlin-ka ayaan waligeed si buuxda u qeexin hadafka duulaanka ay soo qaaday 24-ka Febraayo, kaas oo ay ku sheegtay in qayb ahaan loogu talagalay in lagu ilaaliyo dadka ku hadla afka Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -