Siyaasi Caan ah oo madaxda dowlada ku tilmaamay Seef la bood aan laheyn khibrad Siyaasadeed (Daawo Sawirro)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa xalay ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, xaflad balaaran oo ay magaalada London uu ugu qabtay dad isaga taageersan.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ayaa hadalkiisa ku sheegay in nidaamka ay hadda ku socdaan Madaxda dowlada Somalia uu ka duwan yahay nidaamkii dowladihii hore, isagoo xusay in waxa keenaya ay tahay waayo aragnimo la’aan.

“Waa niman seef la boodnimo siyaasadeed raba inay dalka ku maamulaan, nidaamka ay ku socdaan waa ka duwan tahay nidaamka dowladihii hore ku socdeen, waxa keenaya waa waayo aragnimo la’aan” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Madaxda hadda talada heysa ayuu ku eedeeyey iney dalka qalalaase siyaasadeed geliyeen, sida dagaalkii siyaasadeed ee xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, midkii Madaxweynaha Galmudug oo markii dambe uu xusay in lagu soo baxay oo la difaacay, tii Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo isna la difaacay iyo middii lagu riday Guddoomiye Jawaari, wuxuuna xusay in xiisadaha siyaasadeed ee ay dowladu abuurtay ay dalka geliyeen khal khal iyo degenaansho la’aan siyaasadeed.

“Hadda waxaa qeylinaya Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ah kuwo ay is xigeen Madaxweyne Farmaajo, waxaadna dareemeysaa iney weli socoto in la abuuro xasarad siyaasadeed” ayuu yiri siyaasigan.

Isagoo hadalkiiisa sii wata ayuu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro dowladda iyo dadka hoggaaminaya “dowladda iyo Hey’adaheeda, Villa Soomaaliya iyo Farmaajo labo ayay noo kala yihiin, Xukuumadda iyo Xasan Cali Kheyre labo ayay noo kala yihiin, Baarlamaanka iyo Xukuumadda labo ayay kala yihiin,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

“Raggan dhalinyarada ah ee seef la boodka aan iska qabano, oo aan ku qabano wadada sharciga iyo dastuurka iyo dowladnimada inay maraan, anaga Xisbi hubeysan oo qori wata ma nihin, dad kuma duulno, nidaamka dimoqraadiga, ee dastuurka noo saamaxayaan rabnaa inaan ku hadalno”ayuu yiri Mr C/raxmaan C/shakuur.

Waa markii ugu horeysay ee C/raxmaan C/shakuur uu fagaare kula hadlo dad isaga taageersan tan iyo markii dowladda ay xabsiga dhigtay sanadkii hore markii ay gurigiisa weerareen ciidamada amaanka, iyadoo xaflado uu kula hadli lahaa taageerayaashiisa oo lagu waday iney ka dhacaan Muqdisho iyo Nairobi laga joojiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -