Allbanaadir.com
NEWS

Lamaane lagu eedeeyay in Xiriir la leeyihiin Al Shabaab oo la xiray (Daawo Sawirada)

Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii waxa ay ku xireen Lamaane Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in xiriir hoose kala dhaxeeyo Ururka Al Shabaab .

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in lamaanahan oo lagu kala magacaabo Yassin Abdille Hussein (Abu Sumeiya) Fartun Mohammed Guleid ku tuhmayaan in Al Shabaab maalgaliyaan xiriir hoosana uu kala dhaxeeyo.

Booliiska Kenya ayaa sidoo kale ku eedeeyay Lamaanahan in xiriir hoose kala dhaxeeyo Abdiweli Mohamed Guleid (Abdiweli Kamaure) oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar dad lagu dilay dad bad saarnaa oo ka dhacay duleedka Mandheera.

Ciidamada Kenya ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Nairobi waxa ay kusoo qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin amaba ay katirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar ugu ambabaxaya Qaarada Yurub

Caydiid Ali

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo bilooyin kadib shaqo bilowday iyo Tarsan oo ka hadlay

Cabdi Cade

(Akhriso) Shan qodob oo ka soo baxay kulankii Farmaajo & Madasha Xisbiyada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---