Shiikh Shariif oo danjiraha Maraykanka u gudbiyey go’aan ku saabsan doorashada Somalia

Madaxweynihii hore ee Somalia ahna Guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia Donald Yamamoto.

“Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021” ayuu yiri Shiikh Shariif

“Waxaan uga mahad celinay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda” ayuu intaas ku daray Shiikh Shariif.

Waxaa uu intaas ku daray shiikh shariif iney danjiraha Maraykanka u gudbiyeen go’aan cad oo ku saabsan doorashada Somalia.

“Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado” ayuu yiri Shiikh Shariifm oo qoraalkan soo dhigay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -