Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Magaalada Davos ku dhexmaray Raisul Wasaaraha Somalia & Cristalina Georgieva

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmay Maamulaha Bankiga Adduunka Cristalina Georgieva.

Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriiray xiriirka Bankiga adduunka iyo Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka uu marayo dedaalka xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Maamulaha Bangiga adduunka Kristalina Georgieva, waxaan ka wada hadalnay xiriirka Bangiga adduunka iyo Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka uu marayo dedaalka xukuumadda ee sidii Soomaaliya looga cafin lahaa Deymaha lagu leeyahay.” ayuu yiri RW Khayre oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeeshay qaar ka tirsan madaxda ka qeyb galeysa shirka Dhaqaalaha Adduunka, waxaana uu kala hadlayay sidii taageero ugu heli lahaa mashaariicda ay dooneyso inay fuliso Xukuumaddiisa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekha Al-Azhar oo dowlada Faransiiska uga digay aflagaadada Nebi Max’ed NNKH

Caydiid Ali

Doorasho Hadal heyn badan dhalisay oo maanta ka dhacday magaalada Jowhar

Cabdi Cade

DEG DEG: Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ee Somalia oo la rasaaseeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---