Madaxweyne Deni oo goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Saciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug , Xildhibaano katirsan labada aqal ee BF iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug oo la filayo saacadaha soo socda in uu ka furo shirka ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa hada ku sugan Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana la sugayaa Madaxweynaha Jubbaland oo isna daqiiqado kadib imaan doona Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -