Musharaxiinta oo shuruud adag ku xiray dalabkii Farmaajo ee ahaa iney kulmaan

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay kulan xasaasi ah oo dhexmaray xubnaha midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe.

Labada hogaamiye ayaa caawa xubnaha midowga musharaxiinta hordhigay dalab ka yimid Farmaajo, taasoo ka duwan balan ay horey uga qaadeen oo ahayd iney marka hore ka soo dhaadhicinayaan Farmaajo dhibaatada uu muddo kororsigu leeyahay ka hor inta aysan cadeynin mowqifkooda arrintaas ku aadan

Guudlaawe iyo Qoorqoor ayaa markii shirku furmay waxay soo bandhigeen codsi ay ka sideen Farmaajo oo ah inuu kulan la yeesho Musharixiinta, isla markaana uu diyaar u yahay Doorasho in la qabto, arrintaasoo la yaab ku noqotay musharaxiinta.

Shirka ayaa la sheegay iney dood kulul ka dhacday oo Qoorqoor iyo Guudlaawe halkaasi ka difaaceen Farmaajo iyadoo sheegaya in wadahadal lala furo si xal loo gaaro, iyaguna mowqifkooda ka danbeeyo wadahadalka ka dib.

Qaar ka mid musharixiinta shirka ka qeyb galay ayaa ka carooday hab-dhaqanka Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe iyo sida ay u marin habaabinayaan Musharixiinta oo aysan go’aan uga qaadan karin Farmaajo iyo muddo kororsiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha shirka caawa ayaa la sheegay inuu isaga baxay kulanka, isagoo Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku eedeeyey inay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aan ka turjumeyn mowqifkii lagu balansanaa

Ilo ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya in Midowga Musharixiinta ay ku gacan seyreen codsiga Farmaajo ee ah inuu la kulmo, waxayna qaarkood ku xireen shuruud ah inuu marka hore ka laabto muddo kororsiga, kuna laabto Wadahadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -