Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gaar ah oo ilaalinaya amaanka Axmed Madoobe inta uu joogo Dhuusomareeb (Sawirro)

Waxaa goordhaw diyaarad gaar ah magaalada Kismaayo kasoo qaaday ciidamo si gaar ah oo u tababaran oo katirsan ilaalada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuwaa oo si gaar ah u ilaalinaya inta uu joogo magaalada Dhuusomareeb uu maanta tagayo.

Ciidamadan ayaana magaalada Dhuusomareeb uga sii hormaraya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo saacadaha soo socda in uu gaaro magaalada Dhuusomareen ee caasimada Galmudug.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la sheegay in aysan kalsooni badan ku qabin ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowlada , waxa ayna magaalada Dhuusomareeb la tagayaan ciidamo si gaar ah amaankooda u ilaaliya.

Magaalada Dhuusomareeb oo maanta la filayo in uu ka furmo shir ay yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladaasi ay wada joogaan ciidamo kala duwan  oo ka amar qaata dowlada iyo maamulada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed: “Waa nasiib daro in Farmaajo uu masiirkii ummada u xanibay hal gobol”

Caydiid Ali

Xildh. Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Axmed Fiqi

Caydiid Ali

Shirkada Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---