Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare caan ah oo Geeriyooday xili uu shir la lahaa Golihiisa Wasiirada

Ra’isal wasaaraha dalka Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly , ayaa xanuun deg deg ah kusoo booday xili uu shir la lahaa Golihiisa Wasiirada, waxa uuna geeriyooday markii loola cararay isbitaal la doonayay in lagu daweeyo.

Amadou Gon Coulibaly, ayaa isbuicii hore kasoo laabtay dalka Faransiiska uu mudo labo bilood ah u joogay daaweynta xanuun dhinaca wadnaha ah , waxa uuna Ra’isu Wasaaraha dalka kusoo laabtay xili doorasho loo diyaar garoobayo.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Ouattara ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha xaxuun qabtay intii shirka golaha Wasiirada gudoominayay, waxa uuna xusay markii isbitaal loo qaaday in uu geeriyooday aadna uga murugeesan yihiin geeridiisa.

Dhimashada Ra’isul Wasaaraha dalka Ivory Coast ayaa xaalad adag dalkaasi ka abuureysa, waxaana siyaasigan geeriyooday ahaa musharaxa Madaxweynaha ku matalaya xisbiga talada hayay doorashada dhawaan dalkaasi ka dhaceysa .

Musharaxan ayaana si weyn loogu saadaalinayay in uu yahay shaqsiga badeli lahaa Madaxweynaha talada Ivory Coast haya oo cadeeyay in mar kale tartami doonin, waxa uuna Amadou taageero badan ku lahaa gudaha dalkaasi uu isbadal weyn ka sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay u golaha Wasiirada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo la qadeeyay Waqtina la qaatay Dhalinyaro Carbis ku jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Heiko Nitzschke

Cabdi Cade
Taboola Ads ---