C/kariin Guuleed: “Waa nasiib daro in Farmaajo uu masiirkii ummada u xanibay hal gobol”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii 4aad ee Dhuusamareeb

C/kariin Guuleed oo hadda ah musharax u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay inay fajac ku noqotay go’aanka uu qaatay madaxweyne Farmaajo oo natiijo la’aan uga soo tegay shirka Dhuusamareeb.

“Waa nasiib daro in Madaxweynihii dalka uu masiirka umadda u xanibay hal gobol” ayuu yiri Guuleed oo qoraalkan hoose soo bartiisa facebook.

Waa nasiib daro weyn inuu madaxweynihii qaranku natiijo la’aan kasoo dhaqaaqay Dhuusamareeb isagoo diiday inuu wax tanaasul u ah u sameeyo danta dalka. Soomaaliya wixii maanta ka halaaba waxaa masuuliyadeeda qaadi doona madaxweyne Farmaajo. Waxaa ay nagu noqotay fajac iyo ama-kaag in madaxweynihii Qaranku ka fuqi waayo gobal gaar ah iyo 16 kursi, isagoo wali ku haminaya inuu sii ahaado madaxweyne Soomaaliyeed, xili kalana la soo doorto.

Waxaan ku baaqeynaa in ummadda Soomaaliyeed isugu timaado shir aayo ka talin ah oo lagu badbaadinaayo Dalka iyo  Dowladnimada. Madaxweynaha waxaan leenahay maadaama aad awoodi weysay inaad dalka isku heyso, tanaasul sameyso, oo aad abuurtay naceyb ummadda dhexdeeda ah, fadlan xilka ku wareeji Baarlamaanka si aanan loo sii kala tagin.

Sidoo kale xildhibaannada maanta ku shirsan Villa Hargeysa waxaan usoo jeedineynaa in aaney uga sii darin xaalka cakiran ee dalka, oo aaney abuurin xasarad aan laga soo waaqsan karin. Qaataanna go,aan dadlka badbaadinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -