Shirkada Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Shirkada diyaaradaha Kenya Airways ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeyso duulimaad toos ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib go’aan kasoo baxay maamulka sare ee shirkada.

Maamulka Shirkada Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa horey u hakiyay duulimaad toos ah oo shirkada ka bilaabi laheyd 15-kii bishii hore ee November kadib is fahmi waa la sheegay in uu yimid.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz ayaa shaaciyay in ay Heshiis la galeen Shirkad lagu magacaabo ALS oo bixisa Caymiska iyo Adeegyadda Laysimadda Duullimaadyadda si loo bilaabo Duullimaadka Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkada Kenya Airways ayaa duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi u adeegsan doonta Diyaarad nuuceedu yahay  Embraer 145, diyaaradan ayaa markiiba qaadi karta 50 Qof, waxa ayna duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi ku qaadaneysaa 45-daqiiqo.

Tikitka Diyaarada Shirkada Kenya Airways ayaa socod iyo noqosho waxaa lagu goosan karaa lacag dhan 403-Dollar, halka tikidka socodka ama noqoshada kaliya isna lagu goosan karo lacag dhan 218 Dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -