Xildh. Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Axmed Fiqi

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Somalia ayaa jawaab kulul siiyey Wasiirkii is-casilay ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo galabta qabtay shir jaraa’id.

Fiqi ayaa shirkiisa jaraaid ku weeraray siyaasiyiin uu ka mid yahay Mahad Salaad oo Madaxweyne Qoorqoor ku taageeray dagaalka lagu qaadayo ahlu suna

Waxa uu sheegay in dadkii shalay Farmaajo ka diiidanaa mudo kororsiga ay maanta u muuqdaan kuwo isbedelay oo u ololeynaya dagaal lagu qaado ahlu suna.

“Waxaan aragnaa musharax xil ku raba in dadka reer Guriceel la barakiciyo, aniga waan fahmi waayey kursiga Gurceel yaalla ee dadka loo weerarayo oo nin musharax ah inta meel soo istaago uu leeyahay dadkaas waa in la weeraro, musharaxiinta waxaan leeyahay ka fiirsada fidnada socota” ayuu yiri Fiqi oo u muuqday inuu hadalkaas ku weerarayo Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku bilaabay isagoo u jawaabaya Fiqi:-

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay!

Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah. Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay.

Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah!

Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay. Marka wuxu yiri:

Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, hadana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa ayaanlowna lurahayaa!

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -