Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaare Erna Solberg?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg.

Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telefoonka kula soo xiriirtay madaxweynaha JFS waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.

Waa mas’uulkii labaad oo telefoonka kula soo hadlay Madaxweynaha JFS uguna hambalyeeya xuska 60-guurada xorriyadda Soomaaliya muddo ka yer 24 gudahooda,horey waxaa ula soo xiriiray ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaaniga oo salaana uga siday madaxweynaha wadankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -