Wasiirka Maaliyadda oo beeniyay warar ay faafiyeen Taageerayaasha Farmaajo

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa muuqaal uu maanta soo duubay uga hadlay warar ay baraha bulshada ku faafiyeen taageerayaasha Madaxweyne hore Farmaajo.

Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa baahiyay in qasnada dowladda markii uu xilka ka tagayay Farmaajo ay ka buuxeen lacago badan oo dowladda uga tagtay, kuwaa oo loogu tala galay in mushaaraadka kala duwan lagu bixiyo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyay warka la faafiyay ee ah in qasnada dowladda lacag badan looga tagay, waxa uuna faafinta warkaasi ku tilmaamay masuuliyad darro weyn.

“Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,“waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”. ayuu yiri Beyle.

Waxa uu sheegay wasiirka in aysan jirin lacag badan oo looga tagay qasnada dowladda, waxa uuna xusay in isagu marnaba oran lacag ayaa qasnada dowladda ka buuxda, waxa uuna ku baaqay in laga fiirsado faafinta wararka beenta ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dakhliga dowladda uusan markasta ku filneyn, waxa uuna xusay in markasta ku dadaalayaan in mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha ku bixiyaan waqtigii lagu bixin jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -