Xildhibaanada BF oo xaflad mahad celin ah loogu sameeyey Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye Ku-xigeenkiisa Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa xalay ka qayb galay xaflad loogu mahad celinaayey Mudanayaasha Golaha Shacabka Ansixintii Matalaada Gobalka Banaadir ee Kuraasta Aqalka Sare oo dhawaan xildhibaanada meelmariyeen

Xafladan oo uu soo qaban-qaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Gudoomiyeyaasha Baarlamanka Galmudug iyo Hirshabeele Odayaasha Dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo Madasha khudbad ka jeediyey ayaa u mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir oo munaasabadaas soo qaban-qaabiyey isagoo xusay in golaha shacabka ay u taagan yihiin iney u doodaan xuquuq kasta oo ka maqan shacabka Soomaaliyeed.

Mursal ayaa sheegay in gudoonka Golaha shacabka marwalba uu diyaar u yahay iney taageeraan Gobalka Banaadir illaa laga ansixinayo maqaamka Muqdisho oo uu sheegay inuu yahay mid dastuuri ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -