Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay wafdi ka socday dowlada Kenya (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xalay qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefdi ka socday dalka Keyna, weftigaas oo ka koobnaa xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

Waftigu waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaadhsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, Imaatinka waftiguna waxa uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen labada waddan, ujeedkooduna ahaa xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada waddan ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay weftiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya, mudane Uhuru kenyatta, waxaanu ku bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

Waxaanu Madaxwaynuhu xubnaha weftiga si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Kenya iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga wadamadda gobolka geeska Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalka Kenya oo ay Somaliland wax badan wadaagaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -