Gabadhii ugu horreeysay Soomaali ah, oo qareen ka noqotay dalka Nederlands

Safiya Roble-van Deursen  waa gabadhii ugu horreeysay  ee Soomaali ah, oo qareen ka noqota waddanka Nederlands.  Waraysi koobban oo ay saxaafadda siisay Safiya waxay kaga hadashay qaybo badan oo nolosheeda ka mid ah; laga soo billaabo markii ay dalkan timid, heerarkii kala duwanaa waxbarasho ee ay soo martay, caqabadihii ay la kulantay iyo markii ay soo gaartay halka ay maanta joogto sida niyadeedu tahay.

Safiya, waxay tilmaantay in ay dalkan markii ay imaanaysay da’deedu  ahayd 17 jir, ayna u babac dhigtay in ay ka libin keento hadafkeedii ahaa in ay waxbarato, shaqo fiicanna ay hesho.

“Waxaan dalkan imid anigoo 17 jir ah, markiiba waxaan xoogga saaray inaan luqada  barto, haddii aad tahay qof waxbarashada jecel wax waliba waa kuu fududaanayaan, markii aan waxbarashada billaabayay qalbigeyga kuma jirin inaan qareen noqdo hadafkaygu wuxuu ahaa inaan meesha ugu sareeysa gaaro, shaqadeydii ugu horreeysay waxay noqotay xisaabiye “bookhouder”, markii aan  jaamacadda ka baxay ayaan doortay shaqada qareenimada.  Anigu waxaan mar walba jeclaa inaan joogo meel aan dadka uga qidmeyn karo” Ayeey tiri Safiya, waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in dhaqankii ay ku soo barbaartay ee ahaa “discipline” wanaagsan in dhaqankaasi uu dhabaha u xaaray in ay maareysay nolosheeda markii ay qurbaha timid, kana tillaabsato caqabadaha ay noloshu wadato.

“Cunsuriyayntu mar walba waa jirtay, adiga ayeey kugu xiran tahay inaad aqbasho, haddii aad haysato hubkii aad isaga difaaci lahayd oo ah aqoonta waad ka guulaysanaysaa, anigu markii aan qareenimada baranayey way adkayd in hamigaa aad la timaado adigoo gabar madow oo ajnabi ah, haddii qof uusan albaabka kuu furin ma soo galaysid, dunida maanta dad badan oo wanaagsan ayaa jira oo marka aad jaranjarada korayso aad ku tiirsan karto” Ayeey tiri Safiya.

Safiya, mar la waydiiyey waxa ay kula talin lahayd da’yarta Soomaalida ah ee gabadho iyo wiilal ba leh ee ku haminaya in ay soo gaaraan halka ay iyadu maanta joogto, waxa ay ku jawaabtay.

“Horumar kasta ee aadmigu gaaro waxaa saldhig u ah 2 arrimood, kuwaas oo kala ah; in aad la timaado rabitaan adiga kaa imaada oo aysan ciddina kugu qasbin inaad gaarto yoolka aad tiigsaneyso iyo inaad tahay shaqsi u gegsan kara caqabad kasta ee uu la kulmo, dulqaadkuna aad buu mihiim ugu yahay guusha nolosha”

Waxaa la waydiiyey; Madaama dalkaaga Soomaaliya xilligan uu ka soo kabanayo burbur iyo fowdo, ma ku tala jiraa mustaqbalka dhow inaad aqoontaada iyo khibraadaada dhanka sharciga ah kaga faaideyso jiilasha cusub ee Jaamacadaha iyo iskuulada wax ku baranaya.

“Anigu waxaan qabaa qof walba oo Soomaali ah meel walba ha joogee waxaan leenahay hal dal oo la yiraa Soomaaliya. Muuqaalkayga un baa dalkii ka maqane niyadeydu halkaas bay jirtaa, waxaan jecelahay in dalkeygu gaaro heerarka ay dalalkani ka gaareen horumarka iyo wax wada-qabsiga, sidaas oo ay tahayna anigu diyaar ayaan u ahay inaan qayb ka noqdo horumarkaas”.

Safiya Roble-van Deursen,  Mar ay ka jawaabaysay su’aal la waydiiyey  oo ahayd; Dalkan, waxaa ku nool Soomaali tiradooda lagu qiyaaso inta u dhexeysa 35 ilaa 40 kun, waxaanna ka dhisan dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65  ururo Soomaali ah oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN. Sidoo kale waxaa jira hay’ado iyo ururo Soomaali ah oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, ma jiraa xiriir aad dhinacyadaas leedihiin, waxay ku jawaabtay:

“Markii aan waxbarashada dhameeyey ugu horreeyntii waxaan raadiyey Soomaali, jaaliyada  Amsterdam waxaa ka noqday [bestuur lid]  waxaan caawin jiray qoysaska ilmaha laga qaato, hadda ma jiro xiriir joogta ah, haddana iyagu way iga war hayaan, anigana waan ogahay” .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -