Somaliland oo amar ku bixisay in Receivera-da laga saaro labo Telefishin

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa lagu amray in shirkadaha bixiya Receivera-da ka shaqeeya deegaanada Somaliland ka saaraan Receivera-dooda Telefishinada Universal iyo Star Tv.

Amarkan ayaa daba socda xanibaad dhawaan maamulka Somaliland kusoo rogay kuna xiray xafiisyadooda Telefishinada Universal iyo Star oo Somaliland ku eedeesay in ay tabin waayeen xaflada 26-ka Juun ee ka socotay Hargeysa.

- Advertisement -