Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdigiisa oo gaaray degmada Cadaado (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud

Boqolaal Dadweyne ah ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweyn ugu sameeyay Afaafka hore ee Madaxtooyada Cadaado.

Qoor-qoor ayaa inta uu joogo magaalada Cadaado kulamo la qaadan doono, maamulka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada degmada Cadaado.

Madaxweyne Qoor qoor iyo wafdi uu horkacayo ayaa horey safar ugu soo maray degaano badan oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug oo ay ka mid yihiin Gaalkacyo, Hobyo, Gawaan, Bacaadweyne iyo meelo kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa safarka Cadaado ka hor Xariga ka jaray saaka Isbitaalka Guud iyo Saldhigga Degmada Baxdo oo ay Iskutashi ku dhisteen Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ahmed Mustakim Abdul Hamid oo la xiray xili uu doonayey inuu ku biiro Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo farac ay leedahay Jaamacadda Ummada ka furay Caabudwaaq

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey Gaza & Xiriirka Mareykanka & Israel oo sii xumaanaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---