Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo bilowday fulinta qodob ka mid ah heshiisyadii ay la gashay DF

Maxkamad ku taalla Somaliland  ayaa maanta amartay in la sii daayo fanaaniin muddo ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Fanaaniintan oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa muddo labo bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa kadib markii maxkamaddu ay ku wayday wax dambi ah sida ay sheegtay.

Xariga Fanaaniintan ayaa yimid ka dib safar ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku qabteen bandhig faneedyo iyo heeso.

Labada fanaan ayaa sii dayntooda la hadlay warbaahinta, iyagoo u mahad celiyay maxkamadda oo amartay in la siiyo xoriyaddooda iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.

Marar badan ayaa sidan oo kale waxaa magaalada Hargaysa loogu xiray, dad magac ku dhex leh bulshada Somaliland oo ka soo jeeda isla degaanada maamulkaas kadib markii ay safaro kala duwan ku yimaadeen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale sii daynta fanaaniintan ayaa waxa ay qayb ka tahay heshiisyadii dowlada Somalia iyo Somaliland ay ku wada galeen shirkii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaasoo qodob ka mid ahaa uu dhigayey ahaa inaan la carqaladeyn, lana siyaasadeyn isku socodka arrimaha bulshada sida Waxbarashada, ciyaaraha, fanka, Caafimaadka iwm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii uu dhawaan magacaabay R/Wasaare Kheyre oo la dhaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo caawa ka socda degmada Afgooye

Caydiid Ali

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Antony Thomas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---