Ahmed Mustakim Abdul Hamid oo la xiray xili uu doonayey inuu ku biiro Al-Shabaab

Malaysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota xarigga iyo hannaanka sharciga ah ee lagu soo rogay nin u dhashay dalkaas oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga biiro Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Datuk Saifuddin Abdullah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Malaysia ee Khartuum ay tageen qunsuliyadda si loo hubiyo daryeelka iyo caafimaadka ninkaas oo loo yaqaan Ahmed Mustakim Abdul Hamid.

“Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdooyinka kiiska waxayna siin doontaa mudnaanta koowaad iyada oo hubineysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga” ayuu yiri wasiirka.

“Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisanno wakiillada safaaraddeenna inay ka soo qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed,” ayuu sidoo xusay wasiirka.

“Waxaa naloo oggol yahay inaan booqanno qunsuliyadda, sidoo kale waxaan la xiriirnay qoyskiisa si aan ugu sheegno xaaladdiisa.” ayuu intaas ku daray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -