Mooshin ay horboodayaan Xildhibaanada Hawiye oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka

Xildhibaano badan oo katirsan golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ay ku dalbanayaan in kuraasta Aalka sare ee gobolka Banaadir ku yeelanayo laga dhigo 13-kursi u gudbiyay gudoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa shalay iyo maanta dood kulul ka lahaa maqaamka Caasimada Muqdisho iyo matalaada aqalka sare, waxaana inta badan Xildhibaanada dooda ka qeyb galay dalbadeen in gobolka Banaadir mudaaniintiisa la siiyo.

Mooshinka loo gudbiyay Gudoonka Golaha shacabka ayaa waxaa saxiixay 130-Xildhibaan, waxa ayna Xildhibaanadan mooshinkooda ku dalbadeen in matalaada aqalka sare ee gobolka Banaadir laga dhigo ilaa 13-Kursi.

Guddigii wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka oo soo diyaariyay xeerarka dhammeystirka doorashooyinka ayaa horey usoo jeediyay in gobolka Banaadir aqalka sare laga siiyo 7-kursi oo lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay sida weyna ugu ololeenaya in gobolka Banaadir matalaada ka weyn tan mamaul goboleedyada kale laga siiyo waxa ay u badan yihiin Xildhibaanada Beesha Hawiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -