Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo komeeray dhismaha jidka Hobyo & Gaalkacyo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa indhadheeyay dhismaha wadada Hobyo (Hobyo Highway).

Dhismaha wadadan oo maraya Degmada Ceelguula oo socday mudo shan sano ah ayaa waxa Madaxwehnuhu ku amaanay Gudiga Gob oo wada dhismaha wadadan howsha wanaagsan oo ay bulshada u qabteen iyo halka ay soo gaarsiiyeen dhismaha wadada waxa uuna balan qaaday in inta dhimana uu dhameystiri doono Maamulka Galmudug.

Dhismaha wadadan oo ay hirgalisay shirkadda Gob ayaa lasoo dhameystiray ilaa 152Km oo xiriir ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dhamaan bulshada reer Galmudug, gaar ahaanna Jaaliyadda Galmudug oo gacan weyn ka geystay dhismaha wadadan.

Dhinaca kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa u mahadceliyay shirkadda Gob una balan qaaday in Dowladda Galmudug ay ka qeyb qaadan doonto dhameystirka wadadan halbowlaha u ah reer Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadintii Xamaas & Israel

Caydiid Ali

Shan qof oo Soomaali ah oo lagu helay dambi la xiriira kiis malaayiin dollar lagu xaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo soo celiyay Derajadii iyo xaquuqdii uu lahaa Gaashaanle sare Ibraahim…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---