Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo soo celiyay Derajadii iyo xaquuqdii uu lahaa Gaashaanle sare Ibraahim…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.

G/sare Ibraahim Macalin oo horey usoo noqday taliyihii ciidanka NISA ee gobolka Banaadir ayaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin uu hayay xilka Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa horey sidan oo kale dib ugu soo celiyay darejooyin ciidan ay lahaayeen saraakiil ciidan , kuwaa oo dowladdii Madaxweyne Farmaajo ka xayuubisay derejooyinkii ciidan kana joojisay xaquuqdii ay lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare  Kheyre oo loogu baaqay in uu si deg deg ah isku casilo

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo xukun gacan goyn ah ka fulisay degaan ka tirsan Koonfurta Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo la wareegay Deegaan katirsan gobolka Galgaduud (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---