Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muqdisho oo mar kale laga waayey kiisas cusub oo la xiriira Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 27 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 649.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 16 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 15, iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taasoo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,658, iyadoo tani tahay warbixintii labaad ee tilmaameysa in Muqdisho aan laga helin kiisas cusub.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag, 5-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirn bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka BandiIradley (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar ka dhan ahaa Itoobiya oo lagu taageerayay Masar

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo dalab cusub hor dhigtay Qaramada Midoobay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---