Madaxdii hore ee dowlada Somalia oo dhaliilay shirka ka socda Jabuuti (Akhriso)

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shan qodob ka soo saartay mowqifkeeda ku aaddan shirkii Djibouti ee wada xaajoodka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay ugu horreyn si’ guud u soo dhoweysay in dib loo bilaabo wada xaajoodka lala galayo Somaliland oo hakad ku jiray seddexdii sano iyo barkii uu talada dalka haayay Madaxweyne Farmaajo.

Waxay madashu soo jeedisay in wada xaajoodka la ballaariyo oo talada laga qayb galiyo daneeyeyaasha siyaasadda, Xisbiyada iyo ururrada bulshada.

Soomaaliya, waxayna ka digeysaa in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo olole doorasho” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

“Madashu waxay walaac ka muujineysaa wadahadaladan lagu soo aadiyey waqti uu gabaabsi yahay muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada Federaalka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -