Ciidamada dowladda oo dilay wiil ka shaqeeya arrimaha Bini’aadanimada

Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa shalay dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Khaalid Axmad kaa oo dadka barakayasha ah caawin jiray.

Khaalid oo ahaa wiil firfricoon kana go’an tahay caawinta Barakayasha ku nool magaalada Muqisho iyo nawaaxigeeda ayaa ku dhintay Rasaas ay ciidamada dowladda ku rideen dad ka banaabaxayay dil loo geestay wiil Mooto Bajaajle ah.

Hal-abuuradiisa Khaalid waxaa ka mid ahaa Bulsho Bile oo ahaa mid uu koranto jaban ku gaarsiinayay dhamaan qoysaska saboolka gaar ahaan Barakacayaasha.

Khaalid ayaa ka soo baxay  hoyga hal-abuurka ee Muqdisho ( Irisehub ). Halabuurkisa wuxuu ku doortay siduu bulshada waxtar ugu leeyahay muusan aheyn mid ka raadinayay dhaqaale.

Nal Iyo Barees ay mobiilada ku jaajer gareystaan ayuu siin jiray, wuxuu uga iibin jirey qiima jaban, waliba wuxuu ku siin jirey jaanis ay isaga bixiyaan si tartartiirba ah, Halkii solar wuxuu iibin jirey $18. Si bilaash ah ayuu ugu galin jirey.

Nolosha Qaxooti badan ayuu qurxiyay una sahlay Soolar qiimo yar ku fadhiya waxbadanna Iftiimaya habeenkii, maalintiina howlahooda ku qabsan karaan.

Khaalid ayaa xambaarsanaa Mashruuc uu koranto jaban ku gaarsiin karo qoysaska tabaaleysan, barakacayaasha iyo Dadka ku nool tuulooyinka. Balse Maanta rajadaas god ayaa lagaliyay oo Waxaa dilay askarigii larabay Inuu amaankiisa Iyo himilooyon kiisii ilaaliyo.

Dhowr jeer sidan oo kale ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan ayaa toogtay wiilal dhalinyaro ah oo ka shaqeenayay arrimaha caawinta bulshada, kuwii dilayna cadaaladda lama horkeenin.

Khalid Ahmed wuxu ahaa  rajo Iyo himilo jiil dhan oo latoogtay.

W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim

Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -