Madaxweyne Donald Trump oo amray in la shaaciyo dokumentiyo sir ah

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Cadaaladda Mareykanka in ay shaaca ka qaaddo dukumintiyo ku saabsan baaritaanka la xiriira faragelinta la sheegay in Russia ay ku sameysay doorashadi Mareykanka ka dhacday 2016-kii.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la shaaciyo xogta la xiriirta ogolaanshihi FBI-da loo ogolaaday in ay sheedda kala socoto la taliyihii hore ee dhinaca ololaha dooorashada madaxweyne Trump ninka la yiraahdo Carter Page iyo wareysigi ay FBI-da la yeelatay Bruce Ohr oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Cadaaladda Mareykanka.

Ohr ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay Christopher Steele oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Britain kaasoo hadda ka hor diyaariyay warbixin uu ku sheegay in laga yaabo in Ruushka uu Trump ka hayo warbixinno fadeexo ah oo ay dhici karto in ay ku rakaateeyaan madaxweynaha Mareykanka.

Dukumintiyada kale ee uu madaxweyne Trump rabo in shaaca laga qaado ayaa waxaa ka mid ah dhamaan farriin-qoraaleedyadi la xiriira baaritaanka faragelinta Ruushka ee ay direen agaasimihi hore ee FBI James Comey, ku xigeenki hore ee FBI-da Andrew McCabe, Peter Strzok oo horay ugu soo shaqeeyay FBI-da iyo qareebkii hore ee hey’adda FBI-da Lisa Page.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -