Trump oo cunaqabatayn ku soo rogay Saraakiil ka tirsan Maxkamada ICC (Sabab yaab leh)

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saraakiisha Maxkamada caalamiga ah ee ICC ee baaritaanka ku haya in Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen Afghanistaan iyo in kale.

Amarkan Madaxwayne ayaa u ogolaanaya Mareykanka inay xayiraan hantida shaqaalaha maxkamada caalamiga ah ee ICC isla markana ka hor istaagaan inay Mareykanka soo galaan.

Maxkamada ICC wali kama aysan ka jawaabin tallaabadan ugu dambeysay ee Mareykanka, balse hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay tallaabada Mareykanka.

Baaritaanka maxkamada ICC ayaa bilaabmay ka dib markii warbixin hordhac ah lagu ogaaday inay jiraan sababo lagu rumaysan karo in dambiyo dagaal ay dhaceen.

Trump ayaa marar badan cambaareeyay maxkamada isla markaana waxaa uu su’aal galiyey sida ay ugu madax banaan tahay.

Xoghayaha arrimaha dibadda, Mike Pompeo ayaa isna sheegay in Mareykanka aysan u hanjabi karin maxkamad aan rasmi ahayn sida uu yiri.

Waxaa uu intaa ku daray in cunaqabatayntan ay xitaa qeyb ka noqon karaan xubnaha qoysaska saraakiisha Maxkamada in laga hortago inay Mareykanka soo booqdaan.

Xeer ilaaliha guud ee Mareykanka William Barr, ayaa horey u sheegay in dalal shisheeye sida Ruushka ay galaangal ku yeelanayaan maxkamada ICC.

Mareykanka ka mid aha saxiixayaasha cahdigii lagu dhisay maxkamada ICC ee fadhigeedu yahay Hague, balse ma aqoonsana awoodda ay maxkamada u leedahay inay dacwad ku qaado muwaadiniinta Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -