Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne jebiyey bandow dalkiisa lagu soo rogay oo la ganaaxay (Sawirro)

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa la ganaaxay kaddib markii uu jebiyay bandowga looga dhawaaqay dalkiisa ee looga hortagayo fiditaanka cudurka COVID-19

Zelensky waxaa uu sheegay in arrintani ay ka dambeysay markii uu saddexdii bishan Juun booqday maqaahi ku taalla bartamaha magaalada Khmelnytsky.

Xafiiskiisa ayaa markii dambe baahiyay sawirka madaxweyne Volodymyr Zelensky oo ku dhex qaxweynaya maqaahida, iyadoo Madaxweynaha uusan u xirneyn maaska lagu xirto afka iyo sanka.

“Waxay igu sameeyeen waa tallaabo wanaagsan” ayuu yiri Madaxweynaha isagoo ula jeedo ganaaxa lagu riday, balse Madaxweynaha ma uusan sheegin waxa lagu ganaaxay iyo lacagta uu bixiyey tiradeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo ka baaqday Madal dadweyne oo su’aalo lagu weydiin lahaa (Sababta)

Caydiid Ali

Dalalka caalamka oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Gaza

Caydiid Ali

Ayatollah Ali oo ka digay heshiiska qarniga ee lagu Khiyaanayo Dunida Muslimka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---