Ciidamo xoog ku galay xarun Baarlamaan si loo ansixiyo lacag ay qalab ku iibsadaan (Sawirro)

Ciidamo hubeesan ayaa xoog ku galay xarunta Baarlamaanka dalka El Salvador , waxa ayna ciidamadan Baarlamaanka ka dalbadeen in ay meel mariyaan lacag gaareya 109 milyan Dollar ay ku iibsadaan hub iyo qalab kale oo muhiim u ah.

Ciidamadan ayaa xarunta Baarlamaanka galay xili uu gudaha xarunta ku jiray  Madaxweynaha El Salvador Nayib Bukele, oo xiligaasi isku diyaarinayay in uu khudbad u jeediyo Baarlamaanka.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa ciidamada hubeysan ee galay baarlamaanka ku tilmaamay mid cabsi galin ah, waxa ayna dowlada ku eedeeyeen mucaaradka in falka ciidanka ku dhaqaaqeen ay wax ka ogeyd.

Nayib Bukele oo Madaxweyne ka ah El Salvador wax kayar sanad ayaa doonaya in Baarlamaanka meel mariyaan lacagta deynta ah si booliiska loogu iibiyo qalab muhiim u ah sugida amaanka.

Ciidamada amaanka dalka El Salvador ayaa dagaal kula jira kooxo burcad hubeesan oo dalkaasi ka geesta dhac , dilal iyo afduub, waxa ayna ciidanka doonayaan in ay helaan qalab iyo hub ay kula dagaalamaan buracad hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -