Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Muqdisho iyo Khasaaro kala duwan oo ka dhashay

Waxaa dagaal socday ku dhawaad saacad oo hubka nuucyadiisa kala duwa la isku adeegsaday maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska Ex-Contarool Afgooye iyo xerada ciidanka Asluubta.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo katirsan Asluubta iyo ciidamo kale oo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haram Cad oo ilaalo u ahaa injineerada dhisaya laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dagaalamay ayaa isku adeegsanayay gaadiidka dagaalka gaar ahaan qorayga loo yaqaan Dhashiikaha, waxaana dagaalka intii uu socday joogsaday ganacsigii ka jiray aaga dagaalka uu ka dhacay.

Dagaalka waxaa ku dhintay ciidamo katirsan labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah, walina si rasmi ah looma oga tirada khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo daqiiqado badan socday.

Waxaa sidoo kale qaar kamid ah isbitaalada Muqdisho la geeyay dad shacab ah iyo ciidamo ku dhaawacmay iska hor imaadka ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooska ex-control Afgooye iyo xerada Ciidanka Asluubta.

Saraakiil iyo ciidamo badan ayaa gaaray halka uu dagaalku ka dhacay kuwaa oo kala dhax galay ciidamada dagaalamay, lamana oga waxa keenay dagaalkan khasaaraha dhaliyay ee labada ciidan dhax maray.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dagaalkan maanta ciidamada dowlada kawada tirsan ku dhax maray Muqdisho, waana dagaalkii labaad isbuucan gudihiisa Muqdisho ku dhax mara ciidamo kawada tirsan dowlada.

 

- Advertisement -