Muuse Suudi: “Farmaajo ayaa qaadaya Mas’uuliyadda dadka lagu xasuuqay Gololey”

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa ka hadlay dil wadareed dhawaan ka dhacay degaanka Gololey ee dagmada Balcad.

Rag ku lebisnaa dareyska ciidanka DF oo wejiyada soo qarsaday gaari nooca dagaalka ahna la socday ayaa nolosha ku watay ka dibna laayey  8 qof oo ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo degaanka Gololey ku taalla.

Muuse Suudi ayaa sheegay inuu aad uga naxay dil wadareedka ka dhacay Gololey, isagoo sheegay inuu la xiriiray taliyaha booliska dagmada Balcaad, taliyaha nabad sugidda iyo Xildhibaan deegaanka ah oo ku sugan meesha ay dhibtu ka dhacday balse uusan ka helin wax faahfaahin oo ku saabsan aqoonsiga cida falkaasi geysatay.

“Intaan dhalinyaradda la dilin ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa qarax lala eegtay, 9 askari ayaa ku dhimatay, dhaqatiirta iyo Ciidanka lagu laayay degaanka Gololeyna dhamaantood hal beel ayey ka soo wada jeedaan, arrintaasna shaki badan bay na gelisay” ayuu yiri Muuse Suudi oo intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo masuuliyada dhaqaatiirta lagu laayey Gololey.

Waxaa uu caddeeyay in baarista falkaasi aan lagu aamini karin dowladda Soomaaliya, loona baahan yahay in baaritaanka dhacdadan loo kaashado dowlado iyo heyaddo kale oo madax banaan.

“Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baaristeeda laga sugi maayo, arrintan caalamka ayaa laga sugayaa iney baaraan oo xaqiiqada la helo, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan,” ayuu yiri Muuse Suudi.

Muuse Suudi ayaa sheegay in dil kasta oo dhaca aan loo saarin karin Al-shabaab, ayna jiraan gacmo kale oo arrimaha dilalka ku lug leh’

“Ciddii la dilo Al-Shabaab kaliya looma saari karo, geeridii gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiaxmaan Yariisow weli shaki ayaan ka  qabnaa cidda abaabushay dilkiisa” ayuu yiri Muuse Suudi

Xukuumada Somalia oo war kasoo saartay dhacdadan ayaa cambaareysay falalka ka dhacay Tuulada Gololey, waxayna balanqaaday in baaritaan deg deg ah lagu sameyn doono cidii ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -