Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gobolka Benaadir oo markii ugu horeysay laga waayey kiisas cusub oo COVID-19 ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 34 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadkaas ay 19 ka mid ah ay joogaan Somaliland halka 14 soo harayna laga diiwaan geliyey Galmudug, mana jiraan wax kiisas cusub ah oo laga helay Muqdisho iyo gobolada dalka.

Wasaaradda Caafimaadka waxay sidoo kale soo warisay in hal qof uu COVID-19 u dhintay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 84 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 29 qof, taasoo tirada guud ee bukaannada ka bogsooday cudurkan ka dhigeysa 470 qof, waxaana Tirada guud ahaan laga diiwaangeliyay Soomaaliya ay haatan gaartay 2,368 xaaladood oo COVID-19 ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahanada Al Shabaab oo Dhoolo tus ku sameeyay Degmada Jilib (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay dhalinyaro ku xanibneyd dalka..

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Tigray oo dalbaday xabad joojin deg deg ah iyo wadadahal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---