Maamulka gobolka Tigray oo dalbaday xabad joojin deg deg ah iyo wadadahal

Madaxweynaha Maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa ku baaqay in la soo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Midowga Afrika iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay xaaladda faraha la soo galaan si dalka looga badbaadiyo inuu galo dagaal sokeeye oo daba dheeraada

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqataa mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Abiy Axmed ayaa sheegay waxa uu ku tilmaamay ‘Howlgalka dhanka sharciga ah’ in dhawaan uu soo afjari doono dambiilayaasha dhibaatoooyinka geystay si sharciga loo horkeeno.

“Howlgalka dhanka sharciga ah waxaa looga golleeyahay xaqiijinta amniga iyo xasiloonida si dhammaan dambiilayaasha qaswadyaasha ah loo horgeeyo caddaallada” ayuu ku yiri qoraal uu Ra’iisul Wasaaraha soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Xiisadda ka dhex taagan dowladda federaalka iyo gobolka Tigray ayaa gashay in ka badan toddobaad, dagaal ayaa ka dhacaya deegaano dhowr ah oo dhaca Tigray tan iyo Arbacadii, waxaama jira khasaare xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -