Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Somalia Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii Sabtidii ka hadlayey furitaanka kalfadhigga Baarlamanka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wada-hadalladii labada dhinac.

Iyaga oo ka jawaabaya arrintaas, ayaa xisbiyada mucaaradka Somaliland waxay ku tilmameen hadalkii madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu madaxweynaha Somaliland aqbalay wada-hadalladii labada dhinac mid siyaasadaysan.

Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga Mucaaradka ee UCID Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo uu yahay mid aan daacad laga aheyn oo uu ku doonayo in dib loo soo doorto mar labaad.

“Mowqif ahaan waan aaminsannahay, waanuna taageersan nahay in la wada hadlo, balse Farmaajo hadalkan daacad kama ahan ee waa mid siyaasadeysan oo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto, maxaa yeelay wuxuu ku soo aaday xili waqtiga muddo xileedkiisa uu gebogebo yahay” ayuu yiri  Xoghayaha.

Madaxda Maamulka iyo Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayuu sheegay iney horey iskugu raaceen in dowlada Somalia aan wadahadal lala geli karin ilaa Madaxweyne Farmaajo uu cadeeyo in Somalia iyo Somaliland ay yihiin labo dal oo kala madax banaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa muddo xileedkiisa ka dhiman wax ku dhow lix bilood, waxayna dad badan isweydiinayaan sababta uu wadahadalka uu Somaliland ula furi waayey saddex sano iyo bar uu kursiga fadhiyey, uuna hadda ugu soo baraarugay arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -