(Sawirro) Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay dhalinyaro ku xanibneyd dalka..

Dowlada Somalia ayaa dalka ku soo celisay Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ku xanibnaa Xabsiyada ku yaala dalka Liibiya kuwaasoo maanta ka soo degay magaalada Muqdish .

Dhallinyaradan oo gaaraya 10 ruux ayaa waxaa garoonka Dayuuradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dhallinyaradan ayaa ka baxsaday xabsiyadii magafeyaasha iyagoo iska dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si dalka loogu soo celiyo, waxaana safarkooda iska kaashaday safaarada iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Munaasabadda soo dhoweynta soo si heersare ah looga soo shaqeeyay ayaa waxaa Wasiirka Amniga ku wehlinayay, Wakiilo ka socday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Ambasador Maryan Yaasiin iyo Wakiilo ka socday safaaradda Soomalida dalka Libya, Hay’adda IOM iyo hay’adda Qaxootiga ee QM ee UNHCR.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa la qorsheynayaa in dalka dib logu soo celiyo ku dhawaad 30 kale oo dhallinyaro ah kuwaasoo haatan ku sugan dalka Liibiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -