Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo codsi ku aadan Maqaamka Muqdisho jeediyay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabada furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka labada aqal ayaa codsi ku aadan maqaamka Muqdisho u jeediyay Baarlamaanka.

Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka in ay aqbalaan codsigiisa ku aadan in magaalada Muqdisho matalaad dhab ah ku yeelato aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka.

“Maanta Waxaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka u jeedinayaa codsi Madaxweyne oo aan rajeynayo inaad iga aqbashaan aad igu taageertaan iguna sharaftaan, si aan u muujino tixgelinta iyo qaddarinta aan u heyno caasimadda Muqdisho, fadlan igu raaca ay ku yeelato aqalka sare  muqdisho inay ku yeelato matalaada ay mudan tahay ayna muraayad uga wada noqoto dhamman shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Codsigan kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili dhawaan la sheegay in magaalada Muqdisho aqalka sare laga siinayo 7-xubnood oo lagu qeybqasanayo nidaamka qabiilka ee 4.5 taa ay kasoo horjeesteen beelaha dega Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada New Zealand oo go’aan cusub ka qaadatay heysashada hubka

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhambaal tacsi ah u diray Boqortooyada iyo Shacabka UK

Caydiid Ali

Cumar Finish oo Muqdisho ka baxay maalin kaddib markii Saaxiibkiis Farmaajo xilka wareejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---