Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhambaal tacsi ah u diray Boqortooyada iyo Shacabka UK

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ayaa tacsi u diray Dowlada Ingiriiska geeridii ku timid Boqoradii Dalkaas Queen Elizabeth II oo caawa geeriyootey .

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dawladda, shacabka iyo qoyska boqortooyada UK ee ay ku geeriyootay Boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II. Boqoraddu waxay qarankeeda & muwaadiniinteeda ku mataleysay sharaf iyo karaamo aad u weyn gudaha iyo masraxa adduunka intii ay xukunka haysay” ayuu yiri Xassan Shiikh oo qoraal ku baxay luuqada Englishka soo dhigay bartiisa Twitterka.

Madaxda dalalka caalamka ayaa sidoo kale ka tacsiyadeynaya geerida boqorada, iyadoo calanka dalka Britain hoos loo dhigay.

Boqoradda oo gaartay da’da 96 jir, waxay noqonaysaa boqoraddii ugu cimriga iyo xukunka dheerayd taariikhda boqortooyada Ingiriiska 70 sano ayeyna boqorad aheyd.

Related posts

COVID-19 ma noqon karaa cudurdaar dib loogu dhigo doorashada Somalia?

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo diyaariyay Liiska Xubnaha Guddiga Doorashada ee muranka ka jiro

Cabdi Cade

Ukraine iyo kaalintii ay ku laheyd in talada Suuriya la wareegaan Hay’at Tahrir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---