Cumar Finish oo Muqdisho ka baxay maalin kaddib markii Saaxiibkiis Farmaajo xilka wareejiyay (Sawirro)

Guddoomiyaha gabalkiisa sii dhacayo ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta safar uga ambo baxay Muqdisho, maalin kaddib markii uu Villa Soomaaliya ka baxay Saaxiibkiis Farmaajo.

Cumar Finish ayaa u ambabaxay Magaalada Konyo ee Dalka Turkiga, halkaas oo la sheegay in uu uga qeyb gali doono shir muhiim ah oo ku saabsan horumarinta iskaashiga magaalooyinka Muqdisho iyo Konya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay shaqadiisa uga mashquulay u ololeynta madaxweynihii laga adkaay ee Farmaajo, waxa uuna Cumar Finish sameeyay wax kasta uu ku taageeri karay saaxiibkiis Farmaajo.

Sida aan wararka ku heleyno Cumr Finish ayaa kamid ah liiska xubno badan ay ku jiraan taliyaal iyo masuuliyiin kale oo xil ka qaadis degdeg ah lagu sameenayo maadaama si weyn ugu milmeen siyaasada ayna gabeen shaqadii loo igmaday.

Duqa Muqdisho ayaa marar badan warbaahinta ka eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka uu ku jiray Madaxweynaha talada dalka la wareegay Xasan Sheekh, waxa uuna Cumar Finish sidoo kale raali ka noqday in caasimadda dagaalo ka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -