Ciidamada Booliiska oo goordhaw fashiliyay qarax lasoo dhigay laami kuyaala Muqdisho

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ayaa goordhaw qarxiyay miino lagu aasay magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga hor mara Jaamacada Umada Soomaaliyeed .

Qaraxan ayaa la sheegay in ay arkeen dad ka agdhawaa halka lasoo dhigay, waxaana ciidamada booliiska oo lagu wargaliyay qaraxan ay xireen laamiga iyagoona mudo kadib ku guuleestay in si nabad galyo ah u qarxiyaan.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan miino ee goordhaw lagu qarxiyay magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa markii ay fashiliyeen ciidanka booliiska shacabka u ogolaadeen in ay laamiga isticmaalaan.

Qaraxyada miino ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay wadooyinka magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada iyo kuwa ay la socdaan masuuliyiinta.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -